Wararka
Maxamuud Sayyid Aadan oo dib ugu soo laabtay Kismayo kadib safar uu ugu maqnaa in muddo ah.

Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka waxaa uuna kadib kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha isaga oo ka warbixiyay hawlihii uu ku maqnaa.
Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa faahfaahiyay in hawlihii uu u aaday gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ay ugu qabsoomeen sidii ay dawladdu u qorshaysay guulna ay ku soo dhammaadeen.
Wuxuu sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ka tacsiyeeyay geeridii ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud.