Wararka

Madaxweynaha dalka oo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 u soo jeediyay in la kaydiyo xogta iyo khibradda cudurkan.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaal xooggan lagu bixiyey sidii dalalka saaxiibba la ah Soomaaliya ay ugu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay ugu  deeqeen dalka.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka Adeegeyaasha Xarumaha Caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19https://youtu.be/3_pp5DH3YAk

Posted by TUSMO TV on Thursday, 7 May 2020

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close