Wararka
Mamulka Gobolka Banaadir oo Amar ku siiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka in ay dardargalinayo Nadaafadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto lagu dardargalinayo Nadaafadda iyo Bilicda Magaalada Muqdisho waxaana amar lagu siiyay dhamaan guddoomiyayaasha 17-ka degmooyinka ee gobolka Banadir in ay dhowraan nadafada degmooyinka ay masuulka ka yihin.
Afhayeenka gobolka Banadir oo wareegtada akhriyay ayaa sheegay in arrinkaani looga gol leeyahay sidii loo dhowri lahaa Nadaafadda iyo Bilicda caasimada Muqdisho.
Sidoo kale maamulka ayaa intaasi ku daray in cid allaala cida jabisa amarkaani lagu ganaaxi doona lacag gaarayso $10 dollarka maraykanka ah ama shiliings Soomaali u dhigmo.
Maamulka gobolka banaadir oo amaro cusub ka soo saarey nadaafada maglada muqdisho
Maamulka gobolka banaadir oo amaro cusub ka soo saarey nadaafada maglada muqdisho https://youtu.be/gd8s-dGi-iI
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 6 May 2020