Wararka
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo soo dhaweeyay go’aanka dowlada dalkaasi ee ku aadan doorashada.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Omar Cagjar ayaa shirgodoomiyey kulan looga hadlay arimaha Siyaasada,Dhaqaalaha, la dagaalanka COVID-19, oo ilaa hada dad dhoor ah lagaga diiwaan geliyey Magaalada Jigjiga.
Mustafa Omar oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ilaa hadda ay u qabsoomtay kulan ay la qaateen axsaabta siyaasadeed ee degaanka kaas oo ay kaga doodeen arrimaha doorashada sidoo kale ay kusoo bandhigeen waxa ka deegaan ahaan kala gudboon.
“Maanta waxaa noo qabsoomay kulan aan la qaadanay axsaabta siyaasadeed ee degaanka oo aan kaga doodnay go’aan kii uu parlaman ka dalku meel mariyay iyo ka degaan ahaan waxa ingala gudboon madaama dalku galay xaalad adag COVID19 iyo waliba dhaqaale burburka uu keenay in dastuurka lagu sameeyo turjumaad sharciyeed” ayuu yiri Mustafa Omar.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo hadalkiisa sii wato ayaa intaasi ku daray in ay soo dhaweeyeen dawlada dhexe taas oo uu sheegay in ay muujinayso midnimada ka dhexeysa xisbiyada siyaasadeed ee deegaankeena iyo wada shaqayntooda
“Dood Dheer iyo falanqayn kadib waxaan si buuxda uso dhaweynay go’aanka dawlada Federaalka ah, taaso muujinaysa midnimada ka dhexeysa xisbiyada siyaasadeed ee deegaankeena iyo wada shaqayntooda” ayuu yiri Cagjar.