Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka tacsiyayeeyay Geerida Alle ha u naxariitii Jeneral Cabdi Kuus.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka tacsiyayeeyay Geerida ALLE ha u naxariitii, Jeneral Cabdi Maxamed Suldaan AxmedNuur, oo goor dhaw ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxa uu ku sifeeyey marxmuumka haldoor siyaabo kala duwan ugu soo adeegay bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed.

ALLE ha u naxariitii, Jeneral Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxa uu ahaa nabadoon kaalin fircoon kasoo qaatay geeddi-socodka dib-U-heshiinta deegaanka iyo dalkaba.

Sidoo kale Cabdi Kuus, waxaa kamid ahaa asaasayaashii Dawlad Goboleedka Galmudug 2015kii, kahorna waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii Ximan iyo Xeeb.

Ugu danbeyntii, Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehalladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close