Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyayeeyay dadkii ku dhintay Diyaarad ku bur burtay Bardale Qadka telefonkana kala hadlay Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumada federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay kulan dhanka qadka ah oo ay yeesheen madaxweyne Maxamed Cabudllahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya uu madaxweynaha Kenya ugu tacsiyayeeyay geerida dadkii u dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Magaalada Bardale ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale wasiir Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Madaxweyne Kenyatta u balan qaaday in la samayn doona baaris ku aadan waxa sababay bur burka rasmiga ah ee diyaaradaasi.
Maalinimadii shalay ayay diyaarada African Express airline oo nooceedu ahaa 5y-AXO ku bur burtay Magaalada Bardaale xili ay ka kicintay Magaalada Baydhabo waxaa ayna siday gar gaar caafimaad oo ay ka qaaday Magaalada Muqdisho.