Wararka
Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Maareynta waxyeelada Daadadka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu magacaabay Giddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka kusoo rogmay qaybo kamid ah deeganada Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa, magacaabya Guddigaan kadib markii uu arkau Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne waxaa uuna ku dhawaacay ilaa 5 wasaaradood oo ka shaqayn doona gar gaarida dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Madaxweyne Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa amar ku siiyay Guddiga in ay si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku belay roobabkii xooganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.
Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa baaq u diray Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.
Hoos ka akhriso Guddiga Gurmadka Fatahadaha ee Galmudug.
- Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
- Wasaaradda Maaliyadda
- Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska.