Wararka

Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka hadlay Dhibaatooyin ka dhashay Roobab ka da’ay deganada Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa faafaahiyay waxyeeladii ka dhalatay roobaabkii Gu’ga ee dhawaan ka da’ay deegaanada Galmudug waxaa uuna xusay in daadad xoog leh kusoo rogmadeen Magaaalada Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug kuwaas oo sababey qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in roobabka Gu’ga ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesheen deegaano hoos yimaada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb isla markaana ay biriq ku dhishay Afar qof oo ka mid ah dadka deegaanka ina-mad oo hoos yimaada Caasimada Galmudug.

Qoyska ay biriqdu ku dhacday ayaa ka koobkaan Todobo ruux iyadoo oo dishay Afar caruur ah isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray hooyada reerka iyo mid ka mid ah caruurta.

Madaxweynuhu waxa uu baaq u jeediyay Ganacsada reer Galmudug iyo Dowalda Federaalka in ay gurmad degdeg ah lasoo gaaraan deegaanada ay roobabka iyo daadadku ku soo fataheen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close