Wararka
Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Puntland oo maanta xilka la wareegay.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa munaasabad Garoowe ka dhacday xilka kagala wareegey taliyihii hore ee booliska dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse.
Taliyihii hore ee Booliska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo magacaabista Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen waxaa uuna tilmaamay in uu yahay shaqsi ka soo bixi karo xilka cusub ee loo magacaabay.
Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale Ciidanka Booliska Puntland u soo jeediyay in ay la shaqeeyaan Taliyaha Cusub waxaa uuna dhanka kale baaq u diray shacabka reer Puntland oo uu ku booriyay garab istaagida ciidanka Booliska.
Dhankiisa Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan ee uu doonayo in uu wax ka badal ku sameeyo waxaa uuna hoosta ka xariiqay in uu ka shaqeyn doona tayeeynta iyo kor u qaadista xirfadaha Ciidanka Booliska Puntland iyo in uu ka shaqeyn doona Iskaashiga shacabka iyo Ciidanka Booliska Puntland.