Wararka
Turkiga oo markii afaraad qalab caafimaad soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa markii afaraad gar gaar isugu jiro qalabka caafimaadka ee lagula tacaalaayo xanuunka coronaviruska soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya xili baahi weyn loo qabo qalabkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa qalab caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanada iyo qalabka shaqaalaha caafimaadka ka gudoontay Hay’adda TICA iyo Safaaradda Turkey ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa u mahadcelisay safiirka dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Amb. Mehmet Yılmaz iyo masuuliyiinta Hay’adda TICA waxaa ayna sheegtay in Turkiga uu yahay walaal garab taagan dowlada Soomaaliya xiliyada dhibatada soo food saarto.