Wararka

Duruuf caykee ah ay ku shaqeeyaan saxafaiyiinta soomaliyeed.

Maanta oo ay ku beegantahay 3-da bisha May waxaa caalamka laga xusaa maalinta xuriyada saxaafada, iyadoo saxafiyiin badan oo Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan daruufa kala duwan ayaa haddana waxaa intaas u dheer hanjabaad ay kala kulmaan dhinacyo ka soo hor jeeda wararka ay bulshada u gudbiyaan.

Daruufaha adage e xiligaan taagan ee ay ku shaqeeyaan wariyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah tabinta maalin laha ah ee xanuunka coronaviruska oo ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagan xogta rasmiga ah ee ay soo saarta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale hay’addaha u dooda xaquuqda aadanaha oo ay ugu horeyso Amnesty international ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caburin ku hayso wariyaasha madaxa banaan waxaa ayna sheegtay in loo gaysto tacadiya ay kamid yihiin Xarig, jir dil iyo in kala laaluusha waxaa ayna dowlada Soomaaliya u soo jeedisay in ay xabsiyada ka sii dayso dhamaan wariyaasha xiran.

Dhankooda madaxda daladaha ay ku mideysanyihiin wariyaasha Soomaaliyeed oo maanta xusay maalinka xuriyada warbaahinta ayaa dowlada ka codsaday in ay xuriyadooda siisa dhamaan wariyaasha xiran iyo in ay dowlada dhowrta xaquuqda wariyaasha Soomaaliyeed.

Duruuf caykee ah ay ku shaqeeyaan saxafaiyiinta soomaliyeed xili maanta ay ku beegantahay maalinta saxafada aduunta

Duruuf caynkee ah ayey ku shaqeeyaan saxafiyiinta soomaliyeed xili maanta ay ku beegantahay maalinta saxafada aduunka @Yahye Isse Sheikh

Posted by TUSMO TV on Sunday, 3 May 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close