Wararka

Dawladda Turkey oo Dawladda Soomaliya ku wareejisey agab caafimaad ee COVID-19.

Dawladda Turkey ayaa maanta dalka soo gaarsiiyay kaalmadii ugu horeysay ee qalabka looga hortako faafida xanuunka coronaviruska oo isugu jiray dharka ay xirtaan dhaqaatirka ka howlgalaayo wajiga hore iyo maaskarada afka lagu xirto iyo waliba daawooyin kaalmaati u ah dadka uu soo rito COVID-19 madama xanuunkaani uu san laheen wax daawo ah.

Wasiirada caafimaadka, Gargaarka iyo masiibooyinka iyo wasiirka arrimaha dibada dowlada federaalka ayaa si wada jir ah ugu guddoomay deeqdaan safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya waxaa ayna dhamaan ka mahadceliyeen Gurmadkaan la soo gaarsiiyay.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay Gar gaarkaan ay soo gaarsiiyeen dalka ayaa sheegay in asyan aheen tii ugu danbaysay balse ay soo wadaan deeq kale oo ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Hadalka safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo sheegay in gargaar kale oo caafimaad uu kusoo wajahanyahay magaalada Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo sheegay in gargaar kale oo caafimaad uu kusoo wajahanyahay magaalada Muqdisho.

Posted by TUSMO TV on Saturday, 2 May 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close