Wararka
Koonfur Galbeed oo Qorsheeynayso in ay dhisto gooba Karantiil.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka warbixiyay xaaladaha guud ee xanuunka coronaviruska oo gaaray deeganada maamulkaasi ayaa sheegay in hal main oo kaliya deeganada Koonfur Galbeed laga helay afar ruux oo lab ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in maamulka Koonfur Galbeed uu waddo dadaalo lagu dhisaayo xaruma karantiil oo ay u qorsheeyeen degmooyinka kala ah, Afgooye, Marka, Baraawe iyo Ceel-Barde meelahaasi oo lagu gooni yeeli doona dadka laga hela COVID-19.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu shacabka Koonfur Galbeed ka codsaday in ay u hoggaansamaan talooyinka kaga imaanayo wasaaradda caafimaadka ayna dhayalsan xanuunkaan oo Qatar ba’an ku haayo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka KGS oo ka warbixisay xaladihii ugu dembeyey ee carona virus deeganadaasi
Wasaaradda Caafimaadka KGS oo ka warbixisay xaladihii ugu dembeyey ee carona virus deeganadaasi
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 29 April 2020