Wararka
Dowlada federaalka oo qalab caafimaad u dirtay Hirshabeelle.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowlad golobeedka Hirshabeelle gaarsiiyay qalab caafimaad oo isugu jiro kuwa lagu baaro xanuunka coronaviruska iyo qalabka ka hortaga xanuunkaani covid-19.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaad xukuumada federaalka Soomaaliya, Maxamed Saciid Cabdullahi oo ka warbixinaya qalab caafimaad oo ay gaarsiiyeen Hirshabele ayaa sheegay in ay qalabkaani uu wax badan ka qaban doona xanuunka COVID-19.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay dowlad golobeedka Hirshabeelle uu la mid noqon doona sida dowlad goboleedyada kale oo uu awood u heli doona in sheeybaarkiisa uu samayn dona dhamaan tijaabooyinka loo baahan yahay si loo ogaada shaqsiga la xanuunsan coronaviruska.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaad XFS, Maxamed Saciid Cabdullahi oo ka warbixinaya qalab caafimaad oo ay gaarsiiyeen Hirshabele
Posted by TUSMO TV on Thursday, 30 April 2020