Wararka
Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan Golaha Isbedel donka Jubbaland oo dib ugu soo labta Kismayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo.
Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo madaxda Jubbaland.
Axmed Maxamed Islaam ayaa intaas ku daray in maamulkiisa uu diyaar u yahay wada hadal uu la yeeshay madaxda dowlada federaalka isagoo ugu baaqay in ay yimaadan miska wadahadalka.