Wararka
Beesha caalamka oo soo dhawaysay heshiiskii ay gareen Golaha Isbedel doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Islam.

Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay Heshiis ay magaalada Nairobi ku gaareen hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Golaha Isbedel doonka Jubbaland 23 kii bishaan April.
“Heshiiska waxaa uu fasirayaa kaalinta caawineed ee horay loogu qaaday xalinta xilaafaadkii ka dhashay Guddiga doorashooyinka Jubbaland bishii Augusta 2019 kii taas oo kala qaybisay bulshada iyo daneeyayaasha siyaasada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay UNSOM.
Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland in ay si nabad ah xal ugu gaaraan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyadoo loo maraayo qaab wada hadal ah.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa taageero dhaqaale loogu muujiyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada xubnaha ka ah taas oo lagu xalinaayo dhamaan tabashooyinka jiro si guul loogu gaaro danaha Guud ee Qaranka.