Wararka
Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir oo xilka la wareegay.

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan iiman ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoomiye ku xigeenkii hore maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale – Ibraahim Dheere.
Munaasabada xil wareejinta ah oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan iiman kula dar daarmay in uu si hufan u guta waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenkii hore maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale – Ibraahim Dheere ayaa shaqaalaha iyo hawl wadeennada Gobolka ka codsaday in ay soo dhaweeyaan Guddoomiye ku xigeenka cusub ayna la shaqeeyaan.