Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka oo magacaabay Guddi gurmad u fidiya dadka ku waxyeelobay daadadka.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo fulinaayo amar kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo ahaa in ay xukuumada magacawda Guddi ka shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaado qasaara gaystay oo ka dhacay Degmada Qardho iyo daadad kusoo rogmay Degmada Bardhere ayaa magacaabay Guddi ka kooban Wasiiro.

Guddigaan ayaa waxaa Guddoomiya looga dhigay Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxaana loogu baaqay in ay gar gaar deg deg ah u fidiyaan dadka Qasaaraha uu ka soo garay daa’dadka rogmanaayo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo warbahinta la wadaagay magacyada Guddigaan ayaa sheegay in ay madaxda dowlad goboledyada kala shaqayn doonaan kaalmada ay dowlada gaarsiinayso dadka dhibatada soo gaartay.

Xukuumada soomaliya oo gudi ay ku jiraan wasiiro umagacawday dadka dhibaatadda ay kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho.

Xukuumada soomaliya oo gudi ay ku jiraan wasiiro umagacawday dadka dhibaatadda ay kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho.

Posted by TUSMO TV on Tuesday, 28 April 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close