Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabis kusub sameeyay isagoo xil ka qaadis ku sameeyay masuuliyiin ka tirsan mamulka G/Banadir.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka & Maaliyadda ee G/ Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Hawlaha Guud.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxtooyada qaranka ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub sidoo kalana uu xeerkaani dhaqan gali doona maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.
Xilka Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka & Maaliyadda ee G/ Banaadir ayaa horay waxaa u haayay Ibraahim Cumar Mahad Alle halka kan Guddoomiye K/Xigeenka Hawlaha Guud na uu horay u haayay Sheekh Cali Fiidoow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.