Wararka

Dowlad goboleedka Jubbaland oo amar kasoo saaray Salaada Taraawixda.

Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garowga xanuunka Coronavirus ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeelanaya hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo waxaa ayna awaamir kasoo saareen Saladaha sida kuwa faradh ka iyo Salada Tarawixda.

Guddiga ayaa Shacabka Ku dhaqan dowlad Goboledka Jubbaland ku amray in ay guryahooda ku tukadaan salada Tarawixda ah halka kuwa faradhka ahna ay masaajida kusoo tukadaan muddo dhan 10 daqiiqo iyagoo kusoo wayso qaadanaayo guryahooda.

Sidoo kale Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garowga xanuunka Corona ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maamulada Masaajidada ku amray in ay xiraan dhamaan musqulada masaajida maadama ay sahlantahay faafida xanuunkaani Coronaviruska.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting and text

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close