Wararka

Dr. Fowsiyo  “Dowladda waxaa ka go’an inay ku bixiso dadaal walbo oo lugu xakameynaayo cudurka duumada”

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 April 2020, waxaa caalamka oo idil laga xusaa maalinta duumada aduunka taas oo la sheegay in labadii daqiiqaba hal canug uu u dhinta cudurka duumada.

Dowlada federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xakameynta cudurka duumada ayaa sheegtay in ay mar  kasto u taagan yihin ka hor taga dhimashada caruurta iyo hooyada ay u dhiman lahaayeen cudurka duumada.

Wasiirka caafimaad xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abikar Nuur oo ka warbixisay saamaynta xanuunka duumada ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan howlihii xakameynta duumada oo ay kamid tahay qeybinta mara kaneecada iyo buufinta meeliha ay kaneecada ku badato.

“Anagoo la tacaaleyno cudurka saf marka ah ee COVID 19, dhamaan howlihii xakameynta duumadana way sii socon doonaan kuwaasoo ay kamid yihiin maareynta xaaladaha, qeybinta mara kaneecada iyo buufinta meeliha ay kaneecada ku badato. Dowladda waxaa ka go’an inay ku bixiso dadaal walbo oo lugu xakameynaayo cudurka duumada” ayay tiri Dr. Fowsiyo.Image may contain: text that says "World Malaria Day Zero Malaria Starts with me Maalinta Duumada Aduunka 25 April 2020 PREVENTION AND TREATMENT"Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close