Wararka

Madaxda sare ee Puntland oo kulan Hab muqal ah la yeeshay Beesha calamka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowlad goboleedka Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka puntland oo beesha caalamka kala hadlay in ay gacan ka siiyaan ka hortaga carona virus

Posted by TUSMO TV on Thursday, 16 April 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close