Wararka
Ciidanka Booliska Puntiland oo gacanta ku dhigay qaad ladoonayay in gudaha loo galiyo magaalada Garowe.

Howl-gal ay sameeyeen ciidanka Booliska Gobolka Nugaal uuna hoggaaminayey Taliyaha Qeybta Gobolka G/Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa waxaa ay ku qabteen qaad si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyey magaalada Garoowe.
Ciidamada Booliska ayaa qaadka ku gubay goob fagaaro ah waxaa ayna digniin u direen dadka isku dayaayo in ay qaadka si dhuumaalaysi ah kusoo galiyaan magaalooyinka Puntland iyagoo intaasi ku daray in ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasto oo qaad keenta.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa ciidamada Booliska waxaa ay wadeen howgallo lagu gubaayo qaadka waxaana magaalooyin badan oo kamid ah dalka lagu gubay Jaadka.
Ciidanka booliska puntland oo gacanta ku dhigay qaad ladoonayay in gudaha loo galiyo magaalada garowe
Posted by TUSMO TV on Monday, 13 April 2020