Wararka
Soomaaliya oo soo dhaweysay Xabad-joojinta Yeman.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad.
Xabad Joojintaas oo kasoo bilaabmaysay 9 April ayaa loola gol leeyahay sidii lagu yareen lahaa faafida xanuunka coronaviruska oo markii ugu horaysay laga helay dalkaasi Yeman waxaa ayna dowlada Soomaaliya ugu baaqday dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay carabaabaysaa taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, waxa ayna xaqiijinaysaa garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha Dowlada federaalka Soomaaliya.