Wararka
(DAAWO): MADAXWEYNE DALKA OO HAMBALYO U DIRAY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.
Hoos ka daawo warbixin ku saabsan maalintaan iyo khudbada madaxweynaha dalka:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda soomaliya oo ciidanka xooga dalka ugu hambalyeyey sanad guudaradooda 60-aad Yahye Isse Sheikh
Posted by TUSMO TV on Sunday, 12 April 2020