Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose oo Shaqa Joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose Ibrahim adan Cali Najax ayaa Shaqa Joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn Mohamed Sidoow Cbdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Qorsheynta Nuur Axmed Nuur Baadiyo ilaa amar dambe.
War-xaafadeed kasoo baxay Guuddoomiye Ibrahim adan Cali Najax ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu xilkaani sii hayn doona Guddoomiye kuxigeenka maamulka Iyo maaliyada Mohamed Abdullahi Omar.
War-saxaafadeedkaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay Degmada Wanlaweyn ku sugnaayeen guddiya isku dhaf ah oo ka socday dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed:
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran: