Wararka

Boris Johnson oo ka biskooday COVID-19-

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa la shaaciyay in ay soo roonaatay xaaladiisa caafimaad kadib seddex habeen oo uu ku jiray Qolka Gar gaar-ka deg deg ah ee Isbitaalka St Thomas.

55 sano jirkaan ayaa maalmihii ugu danbeeyay la xanuunsanaa xanuunka coronaviruska oo dhibaata ba’an ku haayo caalamka waxaa uuna ahaa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee Isbitaal loo seexiya xanuunkaan COVID-19 aawadiis.

Aabaha Ra’iisal wasaaraha Stanley Johnson ayaa Raadiyaha BBC -da u sheegay in ay tahay in uu ku nasta Isbitaalka mar haddii ay xaaladiisa caafimaad soo roonaatay.

Dadka u dhintay xanuunkaan Coronaviruska ayaa gaartay 7,978 ruux iyadoo ku in ka badan 1.3 Million oo ruuxna uu ku dhacay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close