Wararka
Duqa caasimada Muqdisho oo dhagax dhigay waddo cusub.

Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadada dheer ee isku xirta Aargada Degmada Deyniile ilaa gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.
Waddadaan oo sidoo kale loo yaqaano wadada kuliyada Jaale Siyaad oo hor marto xarunta Degmada Dayniile ayaa faa’iido badan u leh shacabka degmadaasi waxaa ayna aheed mid Isticmaalkeeda ay ku dhib qabeen Bulshada reer Dayniile.
Muddooyinkii ugu danbeeyay Maamulka Gobolka Banadir ayaa waday dib u dhis Ballaaran oo lagu sameynaayo waddooyinka caasimada Muqdisho iyagoo dhagax dhigay waddooyin bur bursanaa kuwaas oo dhibaatooyin kale duwan ay kala kulmi jireen shacabka caasimada ku dhaqan.