Wararka

Wasaaradda waxbarashada oo dib u dhigtay wakhtigii loo qorsheeyay galida Imtixaanka Shahaadiga.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay In ay dib u dhigtay wakhtigii loo qorsheeyay in la gallo Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad iyo 8aad sababa la xeriiro xanuunka coronaviruska.

Qoraal lagu soo daacabay Bogga baraha Bulshada ay ku leedahay wasaaradda Waxbarashada dalka ayaa lagu wargaliyay Ardayda in dib loogu soo sheegi doona Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka.

“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin”. Ayaa lagu Yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close