Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Soomaaliya waxaa ay u nugushahay xaaladaha deg dega ah ee caafimaadka”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan.

“ilaa iyo hadda Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay seddex Kiis, waxaana ilaa markaasi qaadnay tallaabooyinkii loo baahnaa iyo ficiladii siyasada looga hortagaayo xanuunkaani. iyadoo ay wali Wasaaraddaha heer fadareel iyo heer maamul goboleed iyo quburada caafimaadka ay shaqa wanagsan hayaan, wali Soomaaliya waxaa ay u nugushahay xaaladaha deg dega ah ee caafimaadka waayo xarumaha caafimaad oo liito oo hadda u’n dib u dhis ku socota. waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo Dr. Abiy Ahmed qaybintii uu nasoo gaarsiiyay ee qalabka Tijaabada xanuunkaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa ka hadlay hoos u dhaca dhaqaale ee uu sababay xanuunkaan Coronaviruska waxaa uuna u gudbiyay madaxda IGAD in ay samaytaan santuuq gaar u ah dalalkaan oo lagu caawiyo dadka uu soo rito xanuunkaani COVID-19.

“Hoos u dhaca dhaqaalaha ee gayska africa iyadoo wacyi galin lasamaynaayo gaar ahaan Bangiga aduunka iyo Bangiga Horumarinta Africa waxaa ay muhiim u yihiin iyagoo la shaqaynaayo dalalkeena kana caawinaayo mashaariicda caafimaadka mustaqbalka, sidaasi darteet waxaan soo jeedinayaa shir gaar ah oo ay isugu yimaadaan wasiirada maaliyada ee dalalka IGAD Iyagoo kaashanaayo Bangiga horumarinta iyo saaxiibada kale si loo anba qaado arrintaani”. Ayuu yiri madaxweynaha.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close