Wararka

Guddida Ka Hortaga iyo u diyaargarawga Xanuunka COVID 19 ee Somaliland oo ka warbixiyay u diyar garowga Coronavirus.

Guddiga u xilsaaran ka hortaga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID 19 ee maamulka Somaliland oo maanta shir jaraa’id u qabtay safaxadda ayaa ka hadlay halka ay marayso u diyaar garowga ka hortaga Coronaviruska waxaa ayna warbaahinta la wadaageen dadka ilaa hadda looga shaki qabo.

Gudoomiyaha guddida ahna Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland , Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sharaxaad dheeraad ka bixiyay dadka looga shaki qabo caabuqaan ayaa sheegay in ay gaarayaan lix ruux oo seddex kamid ah ay tijaabadooda maqantahay.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa warbaahinta kula dar-daarmay in aysan baahin xog been abuur ah ama aan sax aheen ayna wixii natiija ah ka war sugaan wasaaradda caafimaadka maamulkaasi Somaliland.

Dhanka kalena guddida ayaa qalab isugu jira Taangiyada Faraxalka iyo Saabuun kala wareegay Wasaaradda Horumarinta Khyeraadka Biyaha, waxaanay gudidu fariin caafimaad si wada jir ah ugu direen guud ahaanba Bulshada Somaliland oo ay ugu baaqeen inay joojiyaan isu imaatinka islamarkaana ay ku sugnaadaan guryahooda.Image may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close