Wararka
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka oo ka warbixisay mashaariic dhisme oo ay soo kordhinayaan.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixisay mashaariic dhisme oo lagu soo kordhinayo Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegtay in Mashruucaan cusub oo ay wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha ku dhisayso si isxil-qaan ah ay ka koobantahay qaybo dayactir lagu samaynaayo sida Hotelkii Stadium Muqdisho iyo laba Garoonada kubada cagta ah iyo xarunta dhexe ee xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo ah dhisma cusub oo lagu soo kordhinaayo tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.
Hoos ka daawo hadalka wasiirka:
Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diirye Ay Sharax Ka Bixisay Mashruuc Lagu dhisayo Hotel Xaruunta Dhaxe Ee xariirika Kubada cagta Iyo 2 garoon Oo yar yar https://youtu.be/ymUVHfa9r7o
Posted by TUSMO TV on Monday, 30 March 2020