Wararka

Ra’isal wasaaraha dalka oo ka tacsiyayeeyay Geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Nugal.

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdi Salaan Xasan Xersi Gujir ayaa ugeeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qarax Ismiidaamin ah oo xalay lagula eegtay Magaalada Garoowe.

Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya xassan Cali Khayre ayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi ugu tacsiyayeeyay Geerida ku timid guddoomiyaha waxaa uuna Alle ugu baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Garowe ee caawa. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto.” Ayuu Ra’isal wasaaraha ku yiri Bartiisa Tweeter ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close