Wararka

Madaxweynaha Somaliland Iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka oo Hadlay Deyn Cafinta.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si wada-jir ah ugu hadlay Aragtida go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa Bulshada ku dhaqan Somalilandu diray farriin ay kaga digayaan Xanuunka safmareenka ah ee Covid-19, islamarkaana ka dareen celiyey tallaabadii ay golaha wakiilladu maanta ku diideen labadii xubnood ee axsaabta mucaaradku u magacaabeen Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo ka hadlay allaabadii ay golaha wakiilladu u diideen labadii xubnood ee axsaabta mucaaradku u magacaabeen Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono, axsaab, xukuumad iyo wakiilloba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close