Wararka
Dowladaha Shiinaha, Kuryada Koonfureed iyo Japan oo kulan ka yeeshay cabuqa covid-19.

Dowladaha Shiinaha, Kuryada Koonfureed iyo Japan ayaa maanta ka arrinsaday siyaabaha looga hortagi karo xanuunka dilaaga ah ee coronavirus kaas oo saameyn ba’an ku haayo caalamka.
Wasiirada arrimaha dibada ee Seddexdaan dal ayaa maanta oo Jimco ah waxaa ay ka hadleen samaynta coronavirus-ka uu ku yeeshay dalalkooda, iyo sida dadka kasoo galaayo dalalka Yurub loo xakamayn lahaa iyagoo wadaagay xogta faafida cudurkaan.
“waxaan filayaa in seddexda dal ubaahan yihiin in ay kawada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa faafidda fayraska Corona iyo sidii loo dhimi lahaa natiijo kasto oo hoos u dhac ku keeni karta wax is waydaarsiga iyo wada shaqaynta dadka si lamid ah dhaqalaha iyo samaynta Bulshada” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Kuryada KoonfureedKang Kyung-wha.
Dalalka caalamka ayaa la tacaalaayo yareenta faafidka cudurkaan, waxaana dalalka caalamka badankooda ay wada xireen xaduudaha ay la wadaagaan dalalka uu faraha ba’an ku haayo.