Wararka
Dalka Nepal oo sameeyay Goob Casri ah oo dadka lagu karantiillo.

Dowlada Nepal ayaa magaalada Kathmandu ka dhistay goob karantiil ah oo si casri ah loo dhisay kadib arbacadii dalkaasi laga helay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa COVID-19.
Masuuliyiin u hadashay Nepal ayaa amar ku bixiyay in la xiro gabi ahaanba meelaha ay dadka iskuugu imaadaan sida Shaleemooyinka, Garoomada, goobaha Jir dhiska, goobaha lagu dabaasha, iyo baararka ilaa iyo 30-ka bisha April.
Sidoo kale waxaa ayagana la xiray Jaamacadaha iyo Iskoolada, waxaana la joojiyay safaradii dalkaasi kasoo gali jiray Yurub, Bariga dhexe, Iran, Malaysia, Kuuryada Koonfureed iyo Japan ilaa laga gaaraayo 15-ka bisha April.
Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa dowladaha caalamka u soo jeedisay in ay juhdi ku bixiyaan la dagaalanka caabuqaan oo saamayn ba’an ku yeeshay aduunka xili wali warbixinada la xeriira dhimashada Caabuqa Coronavirus-ka isa-soo tarayso.