Wararka
SOOMAALIYA IYO XULAFADEEDA MARAYKANKA OO WEERAR CIRKA AH KU QAADAY JANAALLE.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Mareykanka ee AFRICOM iyo ciidamada AMISOM ayaa shan (5) weerar oo cirka ah ku qaadey agagaarka magaalada Jannaale.
Qoraal lagu daabacay bogga hore ee talifashinka Qaranka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi cirka ah loola danlahaa in garab lagu siiyo ciidamada xogga dalka iyo kuwa AMISOM ee kusugan deegaanka Jannaale.
Sidoo kale Qoraalka ayaa intaasi lagu daray in weerarkaasi lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah. dowlada Soomaaliya oo kaa shanayso ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa weeraro dhanka cirka ah ka fuliso deegaanada ay maamulaan Al-shabaab.