Wararka

DEG DEG: DOWLADA SOOMAALIYA OO JOOJINAYSO QAADKII UGU IMAAN JIRAY ITOOBIYA IYI KENYA.

Guddiyada Arrimaha bulshada,Gaadiidka iyo Maaliyadda Golaha shacabka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyo qaadka Soomaaliya kasoo galaya dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya maadaamaa dalalkaas laga helay kiisas ka mid ah Cudurka CoronaVirus.

Dalka Itoobiya ayaa ilaa iyo hadda waxaa ay gaarayaan dadka laga helay xanuunka CoronaVirus shan ruux iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed uu amar ku bixiyay in la xiro dhamaan Iskoolada iyo Jaamacadaha dalkaasi muddo shan iyo toban maalin ah.

Cudurkaan oo saamayn ba’an ku haayo caalamka ayaa waxaa uu soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya iyadoo horayna ay dowlada federaalka ah u joojisay dhamaan safaradii dalka kasoo gali jiray waddamada laga helay cudurkaan CoronaVirus-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close