Wararka
Magaalada Gaalkacyo oo laga bilaaway Diiwaangelinta casriga ah ee Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka bilowday Barnaamijka Diiwaangelinta casriga ah ee Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ku nool magaalada Gaalkacyo.
Maanta ayaa laga bilaabay Magaalada Gaalkacyo Barnaamijkaan oo loo yaqaan BIMS oo ah Diiwaangelin casri ah oo la diiwaangelinayo Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ku nool magaalada Gaalkacyo iyadoo horay barnaamijkaan looga soo sameeyey Magaalooyinka Boosaaso , Qardho iyo Garoowe.
Barnaamijkaan waxaa isla fulinayey Waaxda Daryeelka Bulshada ( Refugee and IDPs ) ee Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland iyo Hay’ada UNHCR.