Wararka
Deg Deg:Dowlada Soomaaliya oo soo saartay War saxafaadeed ku saabsan faragelinta Dowladda Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya Ugu yeertay in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariikhday in ay bogaadineysa hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata xasilinta dalka, balse aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka: