Wararka
Duqa Muqdisho oo daahfuray Maktabad cusub oo loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xarigga ka jaray, Maktabad cusub oo maamulku ka hirgeliyay gudaha xarunta Dhalinyarada Gobolka.
Maktabaddan ayaa lagu maamusay, Guddoomiyihii hore ee gobolka Banadir, Allah u naxariistee, C/raxmaan Cumar Cismaan Eng; Yariisow.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay munaasabada lagu daahfuraayay Maktabaddan ayaa sheegay in u jeedka Guddoomiyihii hore loogu magac daray ay tahay in ay kor u qaadaan wax qabadkii Duqii hore iyo kaalintiisa Bulshada Gobolka Banaadir.