Wararka

Golaha wakiilada Galmudug oo ansixiyay miisaaniyada 2020.

Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug oo maanta yeeshay kala fadhigooda caadiga ayaa ansixiyay miisaaniyada 2020 oo wasaaradda maaliyada horgeysay dhawaan.

64 xildhibaan oo kulanka maanta xaadir ahaa ayaa dhammaantood ogolaaday, kadib markii ay ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay sida uu sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.

Miisaaniyada 2020 ee Galmudug ayaa lagu qiyaasay $17,230,54 milyan, taasoo muujinaysa koror balaaran marka loo barbardhigo tii sanadkii 2019 oo ahayd $6,960,705, iyadoo cel celis ahaan ay korortay 147%.Image may contain: 1 personImage may contain: 6 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close