Wararka

Wasiirka maaliyaddda oo kulan la qaatay masuuliyiin uu hoggaaminaayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka, waxeyna ka wada hadleen dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada Xoogga.

Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Dib-u-habeynta hay’addaha amniga ay u sahashay in dowlada ay gaarto guula muhiim ah waxaa uuna intaasi ku daray in dib u habaynta ay wehlinaysay koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka.

“Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed. Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020. Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close