Wararka

Gabadhii araga naafada ka aheed oo ugu danbayn la kulantay Madaxweyne Deni.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Ku Qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, Taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la’ iyo Qoyska Ayaan Xasan Ducaalle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Puntland.

Ugu dambeyn, Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 7 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close