Wararka
Duqa Magaalada Muqdisho oo amray in dib u habeyntan shaqaalaha lagu sameeyay ay u gudubto wajiga labaad (Phase-2).

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta ka qayb galay kulan lagu soo afmeeray wajiga koowaad ee natiijada ka soo baxday baaritaan iyo dib u habeyn lagu sameeyay (Security–Vetting) dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa amray in dib u habeyntan shaqaalaha lagu sameeyay ay u gudubto wajiga labaad (Phase-2).
Dib u habeyntan waxaa sameeyay Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir.
Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulaax) oo joogay kulanka ayaa sheegay in dib u habeyntan lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar, ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay sameeso hey’ad dowli ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya
Dib u habeyntan ayaa timid kaddib dhacdadii ka dhacday Aqalka dowladda Hoose 24-kii July sannadkii horre oo dadka ku dhintay uu ku jiray Duqii Magaalada Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo masuuliyiin kale.