Wararka

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan wada tashiga ah oo ay guddoomiyeen U qeybsanaha Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Mohamed Ali Guyo ayaa daba-socda qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

U qeybsanaha Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Balal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay so bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Balal ayaa sidoo kale tilmaamay in dadaallada iyo wada tashiyada heer IGAD ay xoojinayaan Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Dhankiisa, Maxamed Cali Guyo oo ah Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.

Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Isbadellada siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee heer gobol iyo heer Qaaradeed, taasoo muujineysa dib u soo kabashada dowladnimada dalkeenna.Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 7 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close