Wararka

Madaxweyne Kaariye oo kormeer shaqa ku tagay fadhiyada Ciidamada qalabka sida Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta booqdey fadhiyada Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha wuxuu warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada Intaa kadib, Madaxweynaha waxa uu ciidamada kula dardaarmey ineey dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan dowlad-Goboleedka Galmudug.

“Waxaan maanta booqdey fadhiyada Ciidamada qalabka sida ee ka howlgala deegaanada Galmudug Waxaan warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada qalabka sida, waxaan ciidamada kula dardaarmey ineey dardargeliyaan howlaha ay u hayaan dowlad-Goboleedka-Galmudug ,iyo Guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweyne Kaariye.Image may contain: one or more people, sky, outdoor and natureImage may contain: 2 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 7 peopleImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sky, tree and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close