Wararka

Wasiirka Amniga oo ka hadlay xaaladda amniga ee Casimada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda amniga xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowlada ay guula waaweyn ay ka gaartay arrimaha amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

wasiir Islow ayaa sheegay in goobaha loo asteeyay ciidamadu inay fariisimo ku yeeshaan ee ku yaalla bartamaha Muqdisho iyo daafaheeda si ay u hubiyaan amaanka dalka ay arrimahaas hoos u dhigtay weeraradii ay Al-Shabaab ka gaysan jireen gudaha caasimada Mugdisho.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa intaasi ku daray in la adkeeyay dhamaan amaanka Goobaha Dawladda ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo meelaha ay ku badan yihiin shacabka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close