Wararka

IMF  iyo Bangiga Aduunka oo sheegay in Soomaaliya ay mudantahay in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Hay’adda lacagta aduunka ee IMF  iyo Bangiga Aduunka ayaa go’aan wada jir ah ka qaatay dadaaladda deynta looga cafinaayo Soomaaliya waxaa ayna sheegeen in dowlada Soomaaliya ay u qalanto in laga cafiyo deymaha dhamaan iyadoo la raacayo qaababka Dowladihii ka horeeyay Soomaaliya ee Deymaha laga soo cafiyay.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay go’anka ay gaareen 2da guddi-sare ee maamulka IMF iyo Bangiga Aduunka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay 2da guddi-sare ee maamulka IMF iyo Bangiga Aduunka oo go’aan wadajir ah ku gaaray in Soomaaliya ay xaq u leedahay in deynta laga cafiyo iyadoo la raacayo qaababka Dowladihii ka horeeyay Soomaaliya ee Deymaha laga soo cafiyay” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Go’aankaani uu yahay mid taarikhi ah, kaas oo muujinaayo dadaalka dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo hanaanka maamulka maaliyadda.

“Go’aankaan taariikhiga ah waxa uu muujinayaa dadaalka Dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed marka loo eego dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo hanaanka maamulka maaliyadda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda xukuumada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close