Wararka
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Qolaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad iyadoo uu ajandaha ahaa, Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.
Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Guddomiyaha Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegista Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.
Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal waxaana Ogaalada 27 Senatar, Waxaa diiday 6 iyadoo aysan Cidna ka amuusin.